Wargeyska Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Ciiddankaasi u gudbeen Mandheera, kadib, weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Dowladda ku lahaayeen Degmadda Beled-xaawo oo masaafo ahaan 4-KM u jirta xuduudka Kenya.
Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in Ciiddanka Soomaalida ee soo baxsatay lagu hayo Xarun ku taalla Mandheera, isla markaana lagu sameeyey Hub-ka-dhis dhamaystiran.
“Qaar ka mid ah waxay qabaan dhaawacyo,waxayna hubkooda iyo gaadiidkooda la soo galeen Mandheera†ayuu yiri Xiriiriyaha W/bari ee Kenya.
Waxa uu tilmaamay in Ciiddankaasi dib ugu laaban doonaan Saldhigooda Buulo-xaawo oo ay Alshabaab dib uga baxeen, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Wargeyska Standard ayaa qoray inay Diyaaradaha Helikopteradda ee Ciiddanka Kenya duqeeyeen goobo ku yaalla Degmadda Beled-xaawo oo ay Alshabaab saakayto dagaal kula wareegeen.
Xigasho:Standard Media