Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada Maamulka Puntland ku leeyihiin degmada Galdogob ee Gobolka Mudug,maleshiyaadkaas oo la sheegay in ay ahaayeen kuwa ka Ganacsada Mandooriyaha loo yaqaano Xashiishada.
Shalayay ayay aheyd markii Ciidamada Puntland ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadkaas,kadibna ay xireen mid ka mid ah Raggii ka Ganacsanayay waxyaabaha Maanka dooriya.
Xaalda ayaa saakay ah mid degan,waxana ciidamada Puntland ay wadaan qorsho ku aadan sidii ay ku soo qaban lahaayeen Maleeshiyaadka ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya eek u sugan deegaano hoostaga degamda Galdogob ee gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Puntland cabdi xersi Cali Qarjab ayaa horay u sheegay in Puntland ay la dagaalami doonto cid kasta oo amniga qalqal gelineysa oo ay ka mid yihiin dadka ka Ganacsada Maandooriyaha