Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan tuulooyin hoostaga degmada Buurdhuubo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Nabadoon Caan ka ah gobolkaas.
Kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa markii hore si afduub ahaan ah u watay Nabadoon Xuseen Dhafoor intaasi kadibna ay dileen Nabadoonka.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka  Gobolka Gedo ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Nabadonka uu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
War ay soo dhigeen Barta ay Al-Shabaab ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay iyagu ka dambeyeen dilka Nabadoonka isla markaana ay ka qaateen Gaari uu watay sida ay hadalka u dhigeen.