Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileyn Nin dhalinyaro ah oo ka mid aha dadka ku noolaa gudaha degmadaasi dharkenley.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada suuq Boocle,waxaana goobjoogayaal ay Dalsan u sheegeen in Ninka la dilay uu ahaa Sarifle,isla markaana lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Xariir.
Dadkii ka dambeeyey dilka Ninkaas Sariflaha ahaa ayaa goobta ka baxsaday,welina lama oga sababta loo dilay,iyada oo weli aysan ka hadlin Maamulka degmada Dharkenley.
Dilka ka dhacay degmada Dharkenley ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Suuqa Bakaaraha lagu dilay Wiil dhalinyaro ah,isla markaana dadkii dilay ay baxsadeen,waxana weli Muqdisho ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada xasilinta.