Waxaa Xalay Kooxo hubeysay ay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen Nabadoon si aad ah looga yaqaano degmadaas.
Nabadoonka ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay Sheekh Ibraahim Kaba-Cadde,iyadoo kooxdii ka dambeysay dilkiisa ay Goobta ka baxsadeen.
Ciidamada Booliska oo ku baxay halkaasi, ayaanan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Sheekh Ibraahim.
Sikastaba weli dilkaas kama hadlin Saraakiisha Ciidamada Booliiska degamda Qoryooleey,blse Dilka Sheekha waxaad aad uga xumaaday Shacbka ku nool degmada Qoryooleey.