Kooxo ku hubeysna Bustoolado ayaa Caawa Fiidkii  waxa ay dil ka geysteen Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkenley gobolkaan Banaadir.
Kooxaha ku  hubeysnaa Butooladaha ayaa la sheegay in ay  dileen Nin horay uga tirsanaa Ciidamada dowladda basle ka baxay haatana lahaa Goob Ganacsi,waxana la sheegay in xiliga la dilayay ay la joogtay xaaskiisa Goobtana ay ku suuxday.
Xaafada Suuq Boocle gaar ahaan Goobta uu dilka ka dhacay ee Masjidka Uunlaaye ayaa dadka deegaanka wax ay sheegeen in ay tahay halkii lagu dilay Cali Nuur shuute oo ahaa Aabaha Dhalay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur shuute .
Dadka Xaafada degan ee deriska la’ahaa ayaa u soo gurmaday kuwaas oo goobta ka qaaday meydka iyo Haweeneyda suuxday,waxaana weli goobta imaan ciidamada dowladda oo tegi jiray Goobaha ay dilalka ka dhacaan.
Dadka ku nool Xaafada Suuq Boocle ayaa ayaa aad uga naxay dilka Caawa ka dhacay Xaafadooda,waxaana tani ay ku soo aadeysaa xili todobaadyadii la soo dhaafay ay dilal qorsheysan ka dhaceyn degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir.