Faah faahino dheraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta qeybo ka mid h degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Askri k tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qof ka mid ah dadka deeganka oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Askarigaan la dilay uu Caanka ahaa degmada dharkeenleey islamarkaana lagu magacaabi jiray Maxamuud Axmed Toosow,islamarkaana markii la dilay kadib qorigii laga qaatay.
Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta gaaray,iyagoo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayaan qofkii ka dambeeyay dilka Askariga walow aysan cid usoo qaban.
Xiriir aan la sameynay Maamulka degamda Dharkeenleey ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dilkaas.