Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta Yemen, Kolonel Yaxya Sariic ayaa shaaciyey inay soo rideen Diyaarad Daroon oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Diyaaradaasi oo nooceeda ahaa Scan Eagle shalay ku soo rideen Gobalka Ma’rib oo 173-KM dhanka W/bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Sanca.
Afhayeenka waxa uu xusay inay Gantaalka Lidka Diyaaraadaha u adeegsadeen inay toogtaan Diyaaradaasi oo Duullimaad Sirdoon ku maraysay Deegaanka Al-Mashjax ee Degmadda Sarwah ee Gobalkaasi.
Waxa uu tilmaamay inay Xuutiyiinta mas’uuliyad weyn ka saaran tahay Badbaadinta Guud ee Hawada dalka Yemen iyo inay ka difaacaan Duullaan kasta oo ay Caddowga soo maleegaan.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Maraykanka weli kama aysan hadlin Diyaaradda Sirdoon ee lagu soo riday Gobalka Ma’rib ee Waqooyiga Yemen.