Maxkamad ay leeyihiin Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa waxay dil ku xukuntay Saxafi lagu magacaabo Yaxya C/raqiib Al-jubayhi, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka taageero Dowladda sharciga ee Yemen weeraradda ay ka geystaan Deegaanadda ay Xuutiyiinta maamulaan.
Saxafigaasi ayaa la la’aa tan iyo bishii September ee sannadkii tegay, xilligaasi oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta soo qafaasheen.
Waa markii ugu horreysay ee Saxafi xukun dil ah lagu gudaha dalkaasi.
Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Xuquuqda Aadanaha ee dalka Yemen, Xuriyah Mash-huur ayaa sheegtay inay ka soo horjeedaan Xukunka lagu riday Yaxya C/raqiib Al-jubayhi.
Saxafigaasi waxa uu ka mid yahay ugu yaraan 36 Dhqdhaqaaqyahan oo la soo taagay Maxkamadda Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalladda Sanca.
©Radio Dalsan