Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ugu qaabilsan  Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa sheegay in Khatarta ka jirta Somalia tahay cabsida lshabaab, Abaaraha iyo Xiisadaha Aadminimo ee weli sii socota.
Guddigu waxay sheegeen inay  doonyaan in Xayiraadda Hubka laga qaado Somalia iyo Eritrea.
Guddigu waxay kaloo tilmaameen inay dadaalkooda afartii bilood ee la soo dhaafay  helin caddaymo muujinaya inuu xiriir ka dhexeeyo Dowladda Eritrea iyo Alshabaab, isla markaana ay baareen halka asal ahaan laga soo daabulay shixnad 25,000 qoryaha Fudud oo la soo geliyey gudaha Somalia.
Ergadda Britain ee QM ayaa iyagana sheegay inay Dowladda Eritrea diida yinay iskaashi la yeeshaan Kooxda Baarayaasha, taasi oo keentay inay Guddiga waayeen hab kale oo ay ku xaqiijin karaan inay Eritrea taageerto Alshabaab iyo Kooxaha kale iyo in kale.
Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee Somalia iyo Eritrea waxay walaac ka muujiyeen Kalluumeysiga Sharci-darradda ee Badda Somalia iyo sida ay Alshabaab ugu lug leeyihiin Ganacsiga Dhuxusha, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale, Wakiilka Dowladda Raashiya ayaa ku baaqay in DFS laga qaado Cunaqabataynta Hubka, si loogu oggolaado Ciiddanka Somalia inay helaan Qalabka ay u baahan yihiin.
Ergadda Maraykanka ayaa iyagana ku taliyey inay Kooxda Baarayaasha booqasho ku tagaan dalka Eritrea, iyadoo ay Dowladaha taageereen Booqashadaasi.
Wakiilka Ethiopia ee QM ayaa shardi ka dhigay in Guddigaas loo oggolaado inay booqdaan Dhulka Xuduudka ee ay isku hayaan Ethiopia iyo Eritrea
©Radio Dalsan