Lix qof ayaa ku dhimatay weerarkii maalintii shalay lagu qaaday tv-ga dowlada Afghanistan,
Dableyda hubeysneyd ayaana ku labisnaa jaakado ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo hub kala duwan waxayna gudaha u galeen  xarunta sida afhayeenka dowlada uu u sheegay wakaalada wararka Afp,
Kooxaha doonayay inay tv-ga ay qabsadaan ayaana waxay ka koobnaayeen 4 waxayna xabado ooda kaga qaadeen shaqaalaha xarunta tv-ga waxaana xabadaha laga maqlayay guud ahaan dhismaha,
Saacado kadib dableydii ayaana ciidanka dowlada ay dileen sida uu xaqiijiyay duqa jalalabad,
Kooxda isis ee ka dagaalanta siiriya iyo ciraaq ayaana weerarkaas sheegatay inay ka danbeeyeen waxayna sheegeen inay dileen hal darawal oo ka shaqeynayay xarunta hal waardiye iyo farsamayaqaan,
Dowlada Afghanistan ayaana weerarka cambaareysay waxayna sheegeen inay ka feejignaan doonaan inay soo noqoto midaas oo kale,