Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ (the Amaq News Agency) ayaa sheegtay in Askari ka tirsan Daacish uu gaari iyo mindi ku weeraray dad ku sugnaa Kambaska Jamaacadda Ohio State University ee magaalladda Columbus, kuna dhaawacay 11-qof.
“Ninka ka mas’uulka ah weerarkaasi waxa uu ahaa Askari ka tirsan Kooxda Daacish, wuxuuna Hawlgalkaasi u fuliyey si uu uga jawaabo codsigii Daacish ee ahaa in la beegsado Muwaadiniinta Dalalka Isbahaysiga Caalamiga†ayaa lagu yiri hadalka ay baahisay Wakaalladda the Amaq News Agency.
Ardayga Somali-Maraykanka ee weerarkaasi geystay waxaa la oran jirey C/risaaq Cali Cartan, waxaana la toogtay daqiiqado kadib, markii uu fuliyey weerarkaasi, oo uu u adeegsaday gaarigiisa iyo Toorey.
C/risaaq Cali Cartan oo 18-jir ah ayaa la sheegay Wareysi uu horey u bixiyey inuu ku eedeeyey Warbaahinta inay sawir qaldan ka bixiyaan Muuqaalka Muslimiinta, wuxuuna tilmaamay inay Warbaahinta kasbatay inay dadka maskaxdooda geliyaan qaladaadkaasi.
Dhinaca kale, Maamulayaasha Maraykanka waxay ka saareen Qoraal uu C/risaaq Cali Cartan soo dhigay Bartiisa Facebook, oo uu ugu baaqay Maraykanka inay joojiyaan Faragelinta ay ku hayaan Dalalka kale, gaar ahaan Ummadda Muslimiinta.
Telefishinka ABC News ayaa soo xigtay Qoraalkaasi oo uu qornaa sidatan:- “Ma sii qaadan karo wax sii badan. America jooji Faragelinta dalalka kale, gaar ahaan Ummadda Muslimiinta. Annaga ma tabar darni, xusuunaada taasi. Ilaah idinkiisaa, Idiin ma oggolaan doono inaad hurudaan ilaa aad nabad ka siinaysaan Muslimiintaâ€.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Maraykanka iyo Ururradda kale waxay si xooggan u cambaareeyeen Weerarkaasi, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falkaasi.
©Radio Dalsan