Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa deegaanka, waxaana la helayaa faah faahino dheeraad ah.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogteen Nabadoonka, xili uu ku sugnaa meel ku dhow Gurigiisa, isagoona u dhintay xabbado looga dhuftay jirka sare.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magacaabiisa lagu sheegay Axmed Maxamed Mayow, isla markaana waxaa goobta si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas oo aan heybtooda la aqoon.
Ciidamo iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoona qaaday Meydka, waxaana halkaas baaritaano kooban ka sameeyay Ciidanka amniga maamulka degmada Afgooye, in kastoo aan la ogeyn cida lagu soo qabtay.
Wararka ayaa waxaa ay intaas kusii darayan in weli ay socdaan howlgal lagu baabi goobayo raggii ka dambeeyay falka lagu dilay Nabadoon Axmed Maxamed Mayow oo Caan ka ahaan gudaha degmada.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo Nabadoono laga yaqaanay halkaas, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.