Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saakay weerar ku qaaday Muwaadin Soomaaliyeed oo goob Ganacsi ku leh Magaalada Kleinmond oo 111 KM u jirta Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalkaas.
Muwaadinka oo lagu magacaabo Maxamed Dagur Cismaan ayaa waxaa ragga hubeysan ay ku fureen rasaas xoogan, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi, waxaana Muwaadinka falkaas kasoo gaaray dhaawac Culus.
Qaar kamid ah Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa meel ku dhow goobta Ganacsi ee lagu dhex weeraray Maxamed ayaa tegay halkaas, iyagoona dhaawciisa ula cararay Xarun Caafimaad oo haatan lagu dabiibayo.
“Walaal Maxamed, markii aan usoo gurmanay waxaa dhaawiciisa loola cararay Hermanus oo noo dhow, markii ay wax ka qaban waayeena waxaa loo gudbiyey Isbitaalka weyn ee Tygerberg oo uu hadda ku jiro” ayuu yiri Faarax Cabdullaahi oo kamid ah Soomaalida deggan Kleinmond.
Bishii ee April ee sanadkaan 2021 ayaa waxaa Magaalooyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika waxaa dilal kala duwan loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa Goobo Ganacsi.
Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin farabadan oo lahaa goobo Ganacsi.