Kooxo ku hubeesnaa Bustoolado ayaa Caawa Gabaldhicii waxa ay ruux ki ishay qeybo kamid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka hotelka lagu magacaabo Garguurte,ee degmada Yaaqshiid waxana Ninka la dilay lagu Magacaabi jiray Axmed Deey Barre,waxaana uu ka mid ahaa Ergadii Baarlamaanka ku soo doortay Maamulka Hirshabelle.
Qof kamid h dadka deeganka oo si hoose ul hadlay Radio Dlsan Muqdisho ayaa sheegay in dableydii hubeesneed ay sidoo kale dhaawaceen nin magaciisa lagu soo koobay Jilaceey,iyagoona intaas kadib goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxana sida caadada aheyd ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah in kastoo aan wax dad ah lagu qaban.