Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomalida ku ganacsata dalkaas, waxaana la sheegay in koox hubeysan oo burcad ah ay dilka gaysteen.
Muwaadinkaan oo magaciisa lagu soo koobay faarax ayaa ka mid ahaa Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaas koonfur Afrika.
Xiliga uu dilku dhacay Muwaadinka ayaa ku sugaan goobtiisa ganacsi oo ku taalla Magaalada darban ee dalkaasi, taasi oo Soomaali badan ay ku leeyihiin Ganacsiyo waa weyn.
Kooxihii burcadda ahaa ee Muwadinka Soomaaliyeed dilka u gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray dilka ka dib ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi, kuwaas oo sameeyay howl galo, Balse ma jirta sida la sheegay cid ay usoo qabteen falka dilka ah ee loo gaystay muwaaadinka Soomaliyeed.
Dalka koonfur Afrika ayaa ka mid ah waddamada ay Soomalidu ku badan tahay waxaana ay kun lee yihiin ganacsiyo ballaaran, balse waxaa joogto ah dalkaas dilalka loo gaysto Soomaalida.