Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqijiyay in weerar duqeyn ah oo laga geestay Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan madoobe oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyn laga geestay deegaanka Kuunya-Baroow lagu dilay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay dheere,kaas oo ka mid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in  Sarkaalkaas ay la socdeen qaar ka mid ah ilaaladiisa,islamarkaana Sarkaalkaas uu ka mid ahaa Saraakiisha dhinaca howlgallada Al-Shabaab u qaabilsanaa Buuraha Galgala sida uu sheegay gudoomiyaha Baraawe.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xiligii ay duqeynta socotay ay dhaceen dagaalo cul culus,islamarkaana lagu guuleestay in lasiidaayo dad Shacab ah oo ay heesteen.
Weli dhanka Al-Shabaab kama hadlin weerarka la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Kuunya-Baroowe ee Shabeellaha hoose.