Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo talaado waxaa lagu wadaa inuu shirweyne uga furmo dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Shirkan ayaa intii uu socdo waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin fatahaadaha Wabiga Shabeelle iyo horumarinta deegaanada Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle.
Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Shirka qodobada looga arrinsan doono ay ku jiraan sidii loo xoojin lahaa xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya labada maamul.
Sidoo kale Shirweynaha oo saacadaha soo socda ka furmaya Baydhabo ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoomin doona Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Maxamed Cabdi Waare.
Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah maamulada kaliya ee haatan wadashaqeyn ay kala dhexeeyso dowladda Federaalka Soomaaliya, halka saddexa kale ee maamul Goboleed aysan wax shaqeyn ah la laheyn dowladda Federaalka.