Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuw Amisom gaar ahaan kuwa Kenya.
Kolonyo ay la scodeen Ciidamada Kenya ayaa xiliga uu qaraxa qabsanayay waxa ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Tarako iyo faxfaxdhuun ee gobolkaasi Gedo, waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan  u sheegay in ay maqleen jugta qaraxa ablse asyan ka heyn wax faah faahin ah.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxas iyaga oo sheegay in ay khasaaro ku gaarsiiyeen qaraxa Miino oo ay la eegteen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.