Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax duhurnimadii Maanta oo Axad ah ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMSOM lagula eegtay qeybo ka mid ah Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Kulan ka mid ah ciidanka AMISOM ayaa xili ay marayeen deegaanka Xaawa Cabdi waxaa loo dhigay Miino nooca dhulka lagu aaso ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Mid ka mid ah Gawaarida AMISOM ayaa la sheegay in qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaartay wallow aan la shaacin khasaaro kale oo ka dhashay.
Ciidamada ayaa intaasi kadib waxa ay fureen rasaas,taas oo cabsi ama baqdin ku abuurtay dadka ku nool deegaanka Xaawa Cabdi waxana sidoo kale xoogaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Ciidamada AMISOM ayaa mararka qaar waxaa qaraxyo Miinada dhulka lagu aaso ah waxaa lagula eegtay xiliyada ay ku safrayaan Wadada xiriirisa Muqdisho iyo afgooye