Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Qarax xoogan lagla eegtay deegaan hoostega degmada Mahaaday ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana kasoo baxaya faah faahino.
Qaraxaas oo ahaa miinada dhulka lagu geliyo ee laga hego meelaha fog-fog ayaa waxaa Kolonyada Ciidanka AMISOM lagula eegtay xili ay marayeen deegaaka buurane ee degmada Mahadaay.
Dad ku sugnaa meel ku dhow Buurane ayaa soo weriyay inay maqlayeen Jugta qaraxaas, kadibna ay arkeen uuro cirka isku shareertay, ayna xigtay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka AMISOM.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro Khasaaro ka dhashay qaraxa, hayeeshee aysan cadeyn tirada, maadaama ay adeg tahay in laga agdhawaado Ciidanka AMISOM, xiliyada waxyeelada gaarto.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askar kamid aheyd kuwa kolonyada la socday ay galeen guri ku yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay, isla markaana halkaas ay ku dileen Haweeney, iyagoona u sii watay socdaalkooda.
Ciidanka AMISOM ayaa marar horey sidaan oo kale qaraxyo loogula eegtay deegaanka Buurane ee hoostega degmada Mahadaay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana qaraxyadaas ka dhashay Khasaaro kala duwan, iyadoona Al-shabaab ay sheegatay Mas’uuliyadooda.