Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha magaaladaas ay ku soo qabteen walxaha qarxa oo lagu aasay gudaha Kismaayo.
Ciidanka nabad sugida ee Jubbaland ayaa xaafada Farjano oo kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo waxaa ay ka soo qabteen Miinooyinka nuuca laga hago Rumuudka, iyadoo saraakiisha maamulka Jubba ay shegeen in qaraxyadaasi la damacsanaa in laga fuliyo Kismaayo, waxna lagu gaarsiiyo dadka shacabka ee dagan xafada laga qabtay walxahaasi qarxa.
Magaalada Kismaayo hore waxaa uga dhacay qaraxyo masuuliyadoodu ay sheegteen Al-shabaab, oo ay ka dhasheen waxyeelo dhimasho iyo dhaawac,waxaana saraakiisha Jubbaland dhoor jeer magaaladaas lagula eegtay Qaraxyo loo dhigay.