Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa shaacisay in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay laba ruux oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaas.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka laga helay Nin u dhashay Shiinaha oo howlo shaqo u jooga Magaalada Berbera.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ruux kale ee laga helay Cudurka uu ku sugan yahay  Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, isla markaana uu kasoo laabtay dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka ku faafay Cudurka.
Isaga oo sii hadlaayay Cumar Cali Cabdullaahi ayaa waxaa uu tilmaamay in labada ruux lagu kalantiilay Xarumo goobi oo Somaliland ugu talagashay in dadka uu soo rito Cudurka lagu daaweyo.
Maamulka Somaliland ayaa wada dadaallo dhowr ah oo ay uga hortegayaan faafida Cudurka Coronavirus ah, iyagoona joojiyay dulimaadyadii Caalamiga ahaa, sidoo kalena xiray dhamaan goobaha ay Bulshada isugu timaado.