Wararka naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in goor dhow uu furmay fadhiga baarlamaanka Galmudug, waxaana hada khudabado ka hor jeedinaya musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulkaas, si ay usoo badhigaan waxqabadka iyo tariikh nololeedkooda.
Waxaa u sharaxan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug Seddex musharax oo kala ah Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac, Ex Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif Cali Hilowle, oo uu mid kastaa ku jiro damaca ah hogaaminta Galmudug.
Inkastoo ay dib u dhacday doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa hadane waxaa socdo qorshihii ugu danbeeyey ee doorashada, waxaana guddiga qaban qaabada doorshada uu shaaciyey in seddexda bishaan May ay dhici doonto Doorshada.