Machadka Daraasaadka Ammaanka Qaaradda Afrika ee The Institute of African Security Studies (ISS) ayaa soo saaray Warbixin dheer oo uu kaga hadlay Saamaynta Khilaafka Khaliijka ee Deganaanshihii Somalia iyo sida ay Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Craabta uga caroodeen Go’aankii Dhexdhexaadka ee DFS ka qaadatay Khilaafkaasi.
Machadka ISS oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Koonfur Afrika ee PRITORIA waxa uu qoray in Go’aankii ay Sacuudiga iyo Imaaraadka xiriirka ugu jareen Qatar horseeday inay kuwo kale kala raacaan, taasi oo horseeday inay DFS ka soo horjeestaan inta badan Maamul-gobaleedyadda qeybta ka ah Federalka Somalia.
Wuxuuna khilaafkaasi sababay inay caqabado badan ka hor yimaadaan Dadaalkii Dowladda.
Warbixinta Machadka ISS waxa uu tilmaamay markii ay Dowladda Sacuudiga bishii June ee sannadkan xiriirka u jartay Qatar tahay waqtigii 3-aad muddo 3 sanno in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ugu baaqaan Dowladaha Geeska Afrika  inay saf u soo galaan Siyaasadda Sacuudiga.
Sannadkii 2015-kii, Sacuudiga waxay Heshiis la saxiixdeen dalalka Geeska, marka laga reebo Ethiopia, si loo dhiso Isbahaysiga La-dagaalanka Maleeshiyadad Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Bilowgii sannadkii 2016-kii, Sacuudiga waxay Xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen Iiraan, waxaana Tallaabadaasi oo kale qaaday dalalka Somalia, Sudan iyo Jabuuti, kuwaasi oo Iiraan u jaray Xiriirkii Diplomaasiyadeed.
Warbixinta Machadka ISS waxaa lagu xusay markii ay Isbahaysiga Sacuudiga xiriirka u jareen Qadar, waxa uu Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo go’aansaday inuu Dhexdhexaad ka noqdo Khilaafka Khaliijka.
Balse waxa uu go’aankaasi ku tuuray Somali Jahwareer Siyaasadeed, iyadoo DFS mucaarado kala kulmayso Gudaha iyo Dibedda Somalia.
Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay inaysan kala caddayn Doorka iyo Mas’uuliyadda u dhexeysa DFS iyo 5-ta Maamul-gobaleedyada ka tirsan DFS
iyo Maamulka Somaliland iyo inay Jilayaasha gudaha tabar dareeyaan Mashruuca Dowlad-dhiska Somalia.
Dhinaca kale, Warbixinta Machadka Daraasaadka Ammaanka Qaaradda Afrika (ISS) ee dalka Koonfur Afrika waxa uu tilmaamay inuusan Madaxweyne Farmaajo wax taageero Dadweyne kuma helin halka uu iska taagay Khilaafka Khaliijka, iyadoo ay inta badan dadka Soomaalida rumeysan yihiin inay miisaan leedahay in lala safto Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay Maamul-gobaleedyada ka soo horjeedaan Go’aanka DFS ee Khilaafkaasi, waxayna rumeysan yihiin inay DFS la safatay dalka Qatar.
Warbixinta waxaa lagu soo qaaday Xiriirka Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga la leeyihiin DFS iyo Maamul-gobaleedyada iyo Jilayaasha kale ee saamaynta ku leh Arrimaha Gudaha ee Somalia, oo ay Turkiga ka mid tahay
Warbixinta waxaa lagu xusay inay Imaaaraadka bixiyaan Kharaj ka badan midka ay Beesha Caalamka ku taageeraan DFS, halka Sacuudigana ay dhawaan Madaxweyne Farmaajo faraha u saartay Kharaj dhan 50-million oo Dollar.,