Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in khilaaf cusub uu ka dhex curtay dowladda fedraalka Somalia iyo maamulka Ahlu-sunna Wal-jamaaca kadib markii sida la sheegay Ahlu-sunna ay dalbadeen in la hoos keeno guddiga doorashada Galmudug iyaguna ay maamulaan howlaha doorashada maamulka Galmudug marka uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta
Khilaafkaan cusub oo soo ifbaxay saacadihii la soo dhaafay ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd waxaana saacadihii la soo dhaafay dhacay kulamo aan look ala kicin oo masuuliyiinta dowladda gaar ahaanna ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka Ahlusunna ay yeesheen waxaana lagu soo waramayaa in kulamada qaarkood ay guul daro ku soo dhamaadeen.
Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa la sheegay in ay ka dalbadeen ra’iisul-Wasaaraha in lasiiyo guddiga doorashooyinka iyo maamulka howlaha doorashada Galmudug isla markaana wefdiga Kheyre ay ka biya diideen arrintaas.
Khilaafkaan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay sababta dib u dhaca shirka dib u heshiisiinta oo lagu weday in uu furmo shalay oo ay taariikhdu aheyd 4-bisha hase’ahaatee uu arrikaan dartii dib ugu dhacay,dhinaca kalana gelinka hore ayaa la qorsheynayay in uu maanta furmo shirka dib u heshiisiinta iyada ioo dib u dhac uu galay in kasta oo wararka qaar ay sheegayaan in uu gelinka dambe furmi karo.