Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta soo saartay Warbixin ay ku sheegtay in ka badan 3,600 oo qof lagu dilay Dagaaladaasi oo socday tan iyo sannadkii 2016-kii.
Amnesty International waxay sheegtay in sannadkan oo keliya dalka Nigeria lagu dilay in ka badan 2,00 oo qof oo isugu jira Beeraley iyo kuwa Lo’da dhaqda.
Iska horimaadyadaasi oo mararka qaarkooda dhex mara Beeraleyda Muslimka iyo Xoolaleyda Kirishtaanka waxay sababeen inay Kumanaan qof noqdaan kuwo aan Hoy haysanin, kuna barakacay Colaadahaasi.