Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil Gaari oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Barqanimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.
Shilkaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo ahaa nooca dadweynaha ay racaan ee Hoomey-da, waxaana uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafaloole ee duleedka Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Shilkaas uu geystay Khasaarooyiin kala duwan oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee saarnaa labada gaari ee isku dhacay.
Hal ruux ayaa ku geeriyooday Shilka, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho, waxaana gurmad u sameeyay dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.
Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysa Khasaaro, waxaana inta badan shilalka loo sababeeyaa gaadiidka oo si xawaare sare ah loo wado iyo siyaabooyin kale.