Roobab xoogan oo dabeylo watay ayaa saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaas, iyadoona roobka lagu diirsaday.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in roobka uu ahaa mid dabeylo watay oo biyo farabadan dhigay waddooyinka, isla markaana Gobolka Hiiraan uu ka da’ayay saacado xiriir ah, uuna geystay khasaaro.
Roobab xoog leh oo ka da’ay deegaanka qodqod ee hoostaga degmada Matabaan ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah, kadib markii dabeysha roobka dhulka dhigey Anteenadii Shirkada Isgaarsiinta Nation ee halkaasi ku taallay.
Anteenada oo ku dhacday guriyo qiyaastii ku dhow 10 ayaa waxaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dadkii ku sugnaa guryaha oo ka sameysnaa Aqalo oo birta Anteenada ku habsatay, waxaana dadkaas la geeyay Xarun Caafimaad.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Roobab lagu qaboowsaday, isla markaana ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, waxaana xareedda Roob ka hoortay ay dhax ceegaagtaa waraha ay galaan biyaha.