Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada tababarka dowlada Turkiga ay ku leedaha Muqdisho ee lagu magacaabo Turkisom.
Qaraxaan ayaa waxaa geystay qof isku soo ekeysiiyay ciidamo tababar uu uga socday gudaha Saldhiga oo loo diyaarinayay  Layli Sarkaal,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah sida dalsan ay u sheegeen ilo ku sugan gudaha Xerada Turkisom.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku geeriyooday 3-ruux oo shacab ah oo uu ku jiro qofkii Ismiidaamiyaha ahaa,wararka qaar ayaa tilmaamaya in laga shakiyay markii hore kadibna uu sidaas isku qarxiyay.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Oroje ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboo waxa uu ku sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ah isla markaana ilaalada Xeradu ay ka hortageen waxyeelo ka dhasha qaraxa sida uu hadalka u dhigay.
Saraakiisha Turkiga ee ku sugan Xerada ilaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin qaraxaas Ismiidaaminta ah,dhinaca kalana saraakiisha dowladdu iyana kama aysan hadal.