Faah faahino ayaa laga helayaa Israsaaseyn kooban oo Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya daqiiqado kahor ku dhexmartay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.
Israsaaseynta ayaa bilaabatay, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay rasaas ku kala eryeen dad isgoyska Fagax ee Yaaqshiid ka waday banaanbax looga horjeeday dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo, kadibna Ciidamo Milateri ah oo halkaas tegay rasaas ku fureen Ciidanka Booliska, sidaasina rasaasta labada dhinac ay ku bilaabatay.
Wariyeyaal tegay goobta ayaa sheegay in israsaaseyntii dhacday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo kamid ahaa dadkii Fargax ka waday banaanbaxa looga horjeeday Farmaajo.
Inta la xaqiiyey 4 ruux ayaa ku dhaawacmay rasaasta, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda, sidoo kalena ay jiraan dad dhintay, in kastoo aan la cadeyn inta ay la egtahay tirada.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Milateriga ee gaaray Isgoyska Fargax ay taageerayeen dadkii halkaas ka banaanbaxa ka dhigaayay, isla markaana watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga horjeedan dowladda.
Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ka dhan ah dowladda iyo Farmaajo, waxaana dadkii dhigayay banaanbaxa ay taayaro waaweyn ku gubeen wadada, waxaana weli kacsan xaaladda.