Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas xalay weerar lagu qaaday goob ay ka socotay Xaflad Aroos ah,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Weerarka ayaa waxaa geystay nin hubeysnaa oo rasaas ku furay goobta ay socotay Xaflada Arooska oo dhaceysay deegaan lagu magacaabo Lulusho oo hoostega deegaanka Wisil oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Ugu yaraan laba ruux oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa Xaflada ayaa ku dhaawacmay rasaasta halkaas uu ku furay Ninka hubeysnaa,kaasi oo falka kadib si deg deg ah ka baxsaday.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay Isbitalka weyn ee Gobolka Mudug,halkaas oo haatan Xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Mudug oo ay uga hadlayaan dhacdadii xalay ka dhacday deegaanka Lulusho ee Gobolkaas.