Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay deegaanka Shabeelow oo qiyaastii 40-KM u jira deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kaasi oo dhexmaray dad shacab iyo Al-shabaab.
Shabeelow ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay xiisad dagaal oo u dhexeeysay dadka deegaanka iyo Al-shabaab, balse Maanta ayuu dhacay dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 16 qof oo labada dhinac ee dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkaas, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Maamulka deegaanka Shabeelow ee Gobolka Mudug.
Wararka ugu dambeeyay ee Caawa aan ka heleyno deegaanka Shabeeloow ee Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay, isla markaana aan la maqleyn rasaas dhaceysa, waxaana la tilmaamay in Al-shabaab ay ku sugan yihiin meel banaanka ka ah gudaha deegaanka Shabeelow.