Ciidan ka wada tirsan kuwa dowladda, ayuu galabta iska horimaad ku dhex maray Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir, iyadoona uu iska horimaadku dhaliyay dhimasho iyo dhaawacba.
Iska horimaadkan, ayuu ciidamada ku dhex maray inta u dhaxeyso Isgoyska Hawlwadaag iyo Saldhiga Booliska ee Degmada Hawlwadaag, xilli aan la garanayn waxa uu salka ku hayo.
Wararka, ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhintay iska horimaadkaasi, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, iyadoo uu iska horimaadku joogsaday markii ay ciidan kale soo kala dhex galeen.
Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in ciidamada uu iska horimaadku u dhaxeeyay, ay ka kala tirsan yihiin Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaan weli ka hadlin iska horimaadka gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmadaasi Hawlwadaag.