Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaro geystay oo Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaano hoostaga degamda Qoryooley ee Gobolka Shabellaaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda ku leeyihin duleedka Qorooley,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaal mudo dhowr saacadood ah socday uu halkaasi ka dhacay.
Dadka deegaanka weli macadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,balse Al-Shabaab ayaa bogga ay wararka ku qoraan waxa ay ku daabaceen in ay la wareegeen degmada Qoryooley balse maamulku uu beeniyey warkaas.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo an la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalkaas,waxa uun ku soo aadaya xilli laabdii malin ee la soo dhaafay ay degmada Walanweyn ka dhaceyn qaarxyo khasaaro farabadan geysteen.