Dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan oo socday saacado dhowr ah ayaa salka ku haayay Baraago laga cabo biyo iyo lahaansho deegaan hoostega degmada Matabaan, waxaana dhinacyadii dagaalamay ay isku adeegsadeen hub kala duwan.
Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo dhinacyada ah ayaa ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay Nagaarta, halka in ka badan 10 qof kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, kuwaasi oo qaarkood ay ku jiraan dad xoolo dhaqato oo rasaasta u tegtay.
Xaaladda deegaankii shalay lagu dagaalamay ayaa saaka laga dareemayaa deganaansho aan cago badan ku taageneyn, xili ay weli si hor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay, wallow ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu kala dhex galo labada dhinac.
Maleeshiyaadkan ayaa waxaa dhawaan la heshiisiiyay, kadib markii shaqaaqo kooban ay horey u dhexmartay, hayeeshee gelinkii dambe ee shalay ayuu dhexmaray dagaal xoogan oo khasaaro geystay, iyagoona kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aano qabiil, iyadoona marar kala duwan la isku dayay in xal laga gaaro dagaal beeleedyadan soo laab-laabtay, wallow aan lagu guuleysan arrintaas.