Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan barqadii Maanta ka kacay Suuq Boocle ee ku yaalla degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan oo gaaray goobo Ganacsi.
Dabkaan oo socday saacado dhowr ah ayaa markii hore ka bilowday goob Ganacsi oo ku taalla Suuqa, isla markaana waxaa uu markii dambe dabkaas kusii faafay goobo kale oo Ganacsi gaar ahaan qeybta Bacadlaha.
Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir, gaadiidka Shirkaddaha dab demiska ee gaarka loo leeyahay iyo dadweyne farabadan ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay deminta dabkii ka kacay Suuq Boocle ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Dabkaan ayaa baabi’iyey ku dhawaad 20 dukaan oo isugu jiray kuwo lagu iibiyo Raashin iyo Carwooyin oo ay lahaayeen dad Ganacsato ah, isla markaana waxaa bas-beelay inta badan hantidii taallay goobaha Ganacsi ee gubtay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Dharkeenley ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta dhalisay dabkii khasaaraha geystay ee ka kacay Suuqa, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan inuu dabka ka dhashay koronto.
Ma jiro khasaaro nafeed oo dabkaas uu geystay, hayeeshee ay ku baaba’day hanti farabadan, kadib markii ay gubteen ku dhawaad 20 dukaan, waxaana xusid mudan in horey sidaan oo kale Suuq Boocle uu uga kacay dab geystay khasaaro maal.