In ka badan 5600 oo qoys oo noloshooda ay ku tiirsaneed wax soo saarka beeraha ayaa waxaa saameyay fatahaad uu webiga Jubba sameeyey 23-kii bishan April.
Illaa iyo 2321 beerood oo ku teedsanaa afaafka webiga Jubba kuna kala yaallay 63 tuulo oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay sameeyay fatahaadii Wabiga, sida ay noo xaqiijiyeen guddiga iskaashatada beeraleyda degmada Baardheere.
Dalagyada ay ka mid ahayeen Mooska, Bocorka,Cambaha,liinta,Yaanyo, Basal, Bataati, Basbaas, Qare, Digir,Galley iyo Sisin oo ay beeraleyda abuurteen bilihii febarury iyo Marso ee sanadkan ,ayna Qorsheynayeen inay goostaan bisha Ramadaan ayaa gabi ahaanba fatahadii Wabiga Jubba uu sameyay ku baaba’ay.
C/raxmaan Xaaji Maxamed Ismaaciil oo 60 jir ah oo ku nool tuulada Mardhaa oo Baardheere 9 Km kaga beegan dhanka waqooyi , kana mid ah beeraleyda fatahaaddu ay ka baabi’isay dalagyadoodii ayaa sheegay in 15 hektar oo uu ku beertay dalagyo kale gedisan ayey biyahu kala tageen ,waxaana intaasi ku daray in weli uusan helin Matoorkii beerta uu ku waraabsanjiray.
Degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ku yaalla dhul beereed lagu qiyaasay 123,kun oo hektar oo isugu jira beeraha waraabka iyo kuwa ku baxa biyaha Roobka, Gudiga Iskaashatada Beeraleyda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeraleyda Baardheere ku sheegay in ka badan $975 kun oo dolar.