Waxaa arroornimadii hore ee saaka oo khamiis ah dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab uu ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Dagaalkaan ayaa waxaa uu markii hore ka bilowday weeraro Al-shabaab ay ku qaadeen baraha Koontaroolada ay Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Balcad ku leeyihiin degmadaas, waxaana dhacay dagaal socday muddo ku dhow saacad, wallow markii dambe uu istaagay…
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay Balcad, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay dagaalka laba qof oo mid Askari uu ahaa, halka 5 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, sida aan wararka ku helnay.
Al-shabaab ayaa markii hore gudaha u galay degmada ayaa la wareegay gacan ku heynta Saldhiga Balcad iyo xarumo kale oo uu ku shaqeynayey Maamulka degmadaas, iyagoona shabaabka sheegay inay degmada isaga baxeen Ciidankii dowladda ee joogay.
Sidoo kale Shabaabka sheegtay inay gacanta ku dhigeen gaari nooca raaxada oo ay tilmaameen inuu lahaa Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo agabyo kale oo uu lahaa Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada, waxaana halkaas howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada Ciidanka dowladda iyo kuwa ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika gaar ahaan Burundi.
Maamulka degmada Balcad ayaan weli ka hadlin dagaalka khasaaraha geystay ee halkaas ka dhacay, Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale u qabsaday degmadaas oo magaalada Muqdisho ku jirta 35-KM.