Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Uganda, Dr. Crispus Kiyonga ayaa sheegay in la dhisi doono Isbitaal casri ah, si loogu daaweeyo Ciiddanka Difaaca ee UPDF.
Wasiirka oo la hadlayey Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Uganda ayaa sheegay inay dhismaha Isbitaalkaasi bilaabi doonaan bisha August ee sannadkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Mashruucaasi lagu maalgelinayo Lacagaha laga ururiyey Askarta Uganda ee ka soo qeyb qaatay Hawlgalka AMISOM.
Waxa uu intaasi ku daray inay hayaan lacag dhan 35 million oo Dollars, oo u dhiganta 105 Billion oo Uganda Shilling.
Dhinaca kale, Afhayeenka Guud ee Ciiddanka Uganda, Paddy Ankunda ayaa u sheegay Wargeyska the New Vision in Lacagta lagu maalgelinayo Isbitaalkaasi tahay mid laga soo ururiyey Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Waxa uu intaasi ku daray in Askar kasta oo Ugandhese ah ee ka tirsan Hawlgalka Somalia in mushaarkiisa laga jaray 200-Dollar, si loogu kaydiyo hawlaha Qaranka.
Paddy Ankunda waxa kaloo uu sheegay inay QM iyo Ururka Midowga Afrika bixiyaan magdhowda hubk ay Ciiddanka Uganda ku waayaan Hawlgalka AMISOM.
“Qori kasta oo aan u qaadano Somalia, QM iyo Midowga Afrika ayaa bixinayo khasaaraha hubka ee soo gaara Ciiddanka†ayuu yiri Afhayeenkaasi.
QM ayaa ka gaabsatay inay magdhow ka bixiyaan Diyaaradihii Helikoptarradda ee ay Ciiddanka Uganda ku waayeen Hawlgalka AMISOM.