Dr. Al-bahi Cisaawi oo ah Khabiir u dhashay Masar, kuna takhasusay Cilmiga Dhulka ee Jiyoolajiga iyo Arrimaha Biyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Seminaar ay Guddiga Bii’adda ee Ururka Ganacsatadda Masaarida ku yeesheen magaalladda Qaahira, kaasi oo looga wada hadlayey “Suurto-galnimadda in la kordhiyo Saamiga Biyaha ee Masarâ€.
Dr. Al-bahi Cisaawi oo horey u ahaa La-taliyihii Madaxweynihii hore ee dhinaca Jiyoolajiyadda (A geological adviser) ayaa ka digay haddii ay yaraadaan saamiga Biyaha ee Masar iyo waxyeelladdasoo gaarta  dhamaan Qalabka Dhaqaalaha inay taasi Masar u horseedi doonto Khatar ballaaran.
Waxa uu intaasi ku daray haddii aan si degdeg ah loo qaadin Tallaabo looga hortegayo Masiibadaasi inay 10-sanno kadib, Masar la mid noqon doonto dhibaatada ku habsatay Somalia oo kale.
Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay Masar ka jiraan biyo la’aan saamayn ku yeelatay Wershadaha, Beeraha, Mashaaricda Horumarinta iyo Biyaha ay dadku cabaan.
Masar waxay haatan Biyaha Webiga Niil ka helaan 600 cubic meters, waxaana loo baahan yahay inay Heshiis Siyaasadeed gaaraan dalalka wadaaga Biyaha Webiga Niil ilaa Webiga Kongo.
Isbuucii hore, Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi  waxa uu booqasho ku tagay dalka Kenya, isagoo dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyatta kala hadlay sidii Heshiis looga gaari lahaa biyo-qeybsiga Webiga Nile.
©Radio Dalsan
Â