عقد خادم Ø§Ù„ØØ±Ù…ين الشريÙين الملك سلمان بن عبدالعزيز آل سعود – ØÙظه الله – ÙÙŠ قصر اليمامة بالرياض اليوم، جلسة Ù…Ø¨Ø§ØØ«Ø§Øª رسمية مع ÙØ®Ø§Ù…Ø© الرئيس Ù…ØÙ…د عبدالله ÙØ±Ù…اجو رئيس جمهورية الصومال Ø§Ù„ÙØ¯Ø±Ø§Ù„ية.
Wararka naga soo gaarayo Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh ayaa sheegayo in Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ay Kulan Rasmi ah ku yeesheen Qasriga Al-yamaamah.
Kulankaasi waxaa looga hadlay Iskaashiga Labada dal iyo Dhacdooyinka Gobalka.
Wafdiga Sacuudiga ee ka qeyb galay Shirkaasi waxaa ka mid ah Dhaxal-sugaha Boqortooyadda, Amiiro, Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Dibedda, Maaliyadda, Warfaafinta, Awqaafta iyo Borotoolka Boqortooyadda.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxaa Kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga, C/salaam Hadliye, La-taliyayaasha Madaxweyne Farmaajo, sida Fahad Yaasiin, C/risaaq Axmed, Agaasimaha Madaxtooyadda, Taabid Cabdi Maxamed iyo Safiirka Somalia u jooga Scuudiga, Daahir Maxamuud Geelle.
Si kastaba ha ahaatee, Kulanka Madaxweynaha oo ahaa kii ugu horreeyey waxaa garbihiisa buuxiyey La-taliyayaashiisa, gaar ahaan Fahad Yaasiin oo aad ugu xeel-dheer xagga Ololeynta Doorashooyinka, isagoo sannadkan kaalin ka qaatay guusha Madaxweyne Farmaajo.
Fahad Yaasiin oo ah Saxafi u shaqeyn jirey Aljazeera TV ayaa rajo ka qaba in loo magacaabi doono Xilka Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xuquuqda Warbixinta waa mid khaas  u ah Radio DalsanÂ
©Radio Dalsan