Garsooraha Sare ee Maxkamadda Mombasa, Nicholas Njagi ayaa oggolaaday Boliska  inay muddo 15 maalmood sii hayn karaan Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Ikrima Mohamed Shoosi, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Kenya ku dilay magaalladda Mombasa.
Oggolaanshahaasi ayaa yimid, kadib, markii Peter Munguti oo ah Sarkaal-xigeen ka tirsan Boliska ka codsaday Maxkamadda in la siiyo muddo kordhin, si ay u soo dhamaystiraan Kiiska loo haysto Eedeysanahaasi oo uu tilmaamay inay ku tuhunsan yihiin inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab.
Peter Munguti waxa uu intaasi ku daray  inay Boliska isku soo duwi doonaan Xogta ku kaydsan Mobaylka Eedeysanaha iyo Qiraalladda ay bixiyeen Markhaatiyaal iyo ilo kale oo taageero siinaya Baaritaanka Kiiskaasi, isla markaana muujinaya inuu Eedeysanaha dhallinyaro u tashkilin jirey, una diri jirey Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Kiiska Eedeysanahaasi ayaa la sheegay in ay Maxkamaddu dhegeysan doonto bishan Janaayo 23-da.
©Radio Dalsan          Â