Guddoomiyaha Gobalka Mandera ee W/bari Kenya, Fredrick Shisia ayaa sheegay inay Dowladda Kenya heshay Warar dhinaca Sirdoonka, taasi oo muujinaysa inay Ganacsatadda deggan Mandera ay Kharaj ku taakuleeyaan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wargeyska Maalinlaha ee The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa saakayto qoray inuu Guddoomiyaha Gobalka Mandera ku eedeeyey Ganacsatadda inay Alshabaab siiyaan Lacago Canshuur iyo Kharaj Ammaan-gelin, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku goodiyey in Ganacsatadii la xiriirta Xarakadda Alshabaab in la xiri doono, lana soo dacweyn doono, waa sida uu hadalka u yiri.
Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqjiin kara Eedeymaha uu Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrick Shisia u jeediyey Ganacsatadda Mandera, oo iyagu dhibaato xooggan ku qaba Koronto La’aanta iyo Horumar La’aanta ay Dowladda Kenya baday dadka Reer Mandera.
©Radio Dalsan