Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Booliiska dowladda Kenya ayaa waxa ay soo saareen digniintii ugu dambeysay ee ku aadan in ay jiraan rag ka tirsan Al-Shabaab oo Dhalinyarada Kenya qaarkood ka Caawinaya in ay tagaan Soomaaliya kuna biiraan Al-Shabaab.
Saraakiisha ayaa Dalbaday in laga Gacansiiyo xogta ku saabsan sidii loo heli lahaa ragaan kala ah Abdullahi Jarso Kotola, Hassan Jarso Kotola, Hassan Abdalla Mushi, James Kimanthi Masai, Hamisi Swaleh Abdalla and Rama Mbwana Mbega,kuwaas oo ay rumeysan yihiin in ay yihiin Wakiilka Al-Shabaab ee dalka Kenya.
Saraakiisha Ciidamada Booliiska Kenya ayaa aaminsan in mid ka mid ah ragas oo lagu magacaabo Cabdullahi Jarso Katolla  uu ka mid ahaa dadkii ka qeyb qaatay weerarkii Mpeketoni ee dhacay Sanadii 2014,kii Bishii Jun.
Dhanka kale isla Cabdullahi Jarso Katolla   ayaa lagu eedeeynayaa in uu dilay Wadaad dadka ka wacyigeliya waxyaabaha xun xun si asyan fursad ugu helin in ay qaataan fikirka Al-Shabaab iyo dhacdooyin kale oo ka dhacay gudaha dalkaas.
Feejignaan dhanka amniga ah ayaa weli ka jirta qeybo badan oo ka mid ah gudaha dalka Kenya kadib markii todobaadyadii u dambeeyay ay baten weerarada joogtada ah ee ka dhacaya Gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.
Hoos Ka Daawo Sawirrada