Saraakiisha Ammaanka Kenya ee loo xil-saaray Hawlgalka Dhulka Kaymaha Boni “Operation Linda Boni† in Hawlgalka Milliteri uu dhaliyey in Dagaalamayaasha Jaysh Ayman ee ka tirsan Alshabaab laga saaro Deegaankaas.
Garabka Jeysh Ayman waxaa lagu eedeeyaa inay mas’uul ka ahaayeen weeraraddii ka dhacay Jamaacadda Garissa iyo Deegaanka Mpeketoni.
Agaasimaha Hawlgalka Linda Boni, James Ole Serian ayaa qiray inay weli jiraan khatarta iyo cabsida laga qabo Jeysh Ayman, wuxuuna xusay inay ka feejigan yihiin arrintaasi.
Waxa uu xusay inay xoojiyeen Ciiddanka Badda, si aysan Dagaalamayaasha Alshabaab ugu fududaanin inay dhinaca badda ku baxsadaan marka ay hawlgal ka fuliyaan deegaanadda ku xiriirsan Kaymaha Boni.
Xiriiriyaha Boliska Gobalka Xeebta, Nelson Marwa  iyo Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta, Francis Wanjohi ayaa sheegay inay weli jiraan Khatarta ka imaan karta Dhulka Kaymaha ee Boni, waxayna xuseen in la dhisay 9 Saldhig Bolis si loogu xoojiyo Ammaanka Deegaankaasi.
Dareenka Cabsi-ku-joogga ee ay Saraakiisha Ammaanka Kenya muujinayaan ayaa ku soo beegmay, iyadoo shalay la xusay Sannad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii ay Alshabaab weerareen Jamaacadda Garissa, laguna dilay 142 Arday iyo 6 Askari.
©Radio Dalsan
Â