Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inay Dagaalyahano Kenyan, Tanzanian iyo Carab qeyb ka ahaayeen weerarkii ay Boqolaal Dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan Jimcihii hore ku soo qaadeen Saldhigga ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka kul-biyow ee Gobalka J/hoose.
Saraakiishaasi oo magacooda qariyey ayaa sheegay inay Dagaalyahannadda Ajnabiga ee ka feer dagaalamayey Alshabaab ahaayeen kuwo aad u tababaran, isla markaana si fiican ugu hadlayeen Luqadda Sawahili-ga, waa sida uu Wargeysku qoray.
Qaar ka mid ah Askartii Kenyanka ee ka badbaaday Gulufkii Alshabaaab cagta ku mariyeen Xeradii Kul-biyow ayaa iyagana sheegay inay Dagaalamayaal u muuqaal ekaa Carabta ka qeyb galeen Dagaalkaasi, isla markaana ay ka muuqatay Xeellad Dagaal oo aad u sarreysa.
Wararka waxay sheegeen in in ka badan 500 Dagaalyahano Alshabaab ka qeyb galeen Weerarkii Qorsheysnaa ee ay Jimcihii hore ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Kenya ee Deegaanka Kul-biyow.
Askar Kenyan ka badbaaday weerarkaasi ayaa xaqiijiyey in dhankooda 68 Askar looga dilay Weerarkaasi.
Xarakadda Alshabaab ayaa soo bandhigay Sawiradda Hawlgalkii Kul-biyow, waxaana ka muuqday maydadka Askarta Kenya oo xeradda dhex daadsan iyo gawaari Gaashaaman iyo kuwo kale oo lagu gubay weerarkaasi.
©Radio Dalsan