Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Maxamed ayaa sheegtay in 31 ka mid ah dadkii ku dhaawaca qarixii maalintii Sabtida loo qaadi doono dalka Kenya, si  loogu soo daaweeyo.
Qoraal ay soo dhigtay Barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay kaloo ku sheegtay inay Kenya soo diri doonaan 31 tan oo daawo ah, si loogu daaweeyo dadka dhaawacan ee ku jira Isbitaalladda Muqdisho.