Agaasimaha Hawlgalka Linda Boni, James Ole Seriani ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Laamu, wuxuuna tilmaamay in Dagaalamayaasha Kenyanka looga shaisan yihiin inay Basaasiin u yihiin Dowladda Kenya.
Waxa uu ku dooday inay jiraan tiro badan oo Kenyan badan oo laga qoray qeybo ka mid ah Kenya, oo ay ku jirto Laamu ku biireen Alshaabaab, kuwaasi oo ugu dambeyntii la dilay, iyagoo looga shakiyey Basaasnimo, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan haynaa Warbixino sheegaya in ugu yaraan 6 Dhallinyaro Kenyan ku biirtay Alshabaab lagu dilay gudaha Somalia muddadii u dhexeysay bilihii March iyo April oo keliya†ayuu yiri Agaasimaha Hawlgalka Linda Boni.
Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya hadalkiisa.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Hawlgalka Linda Boni ee haatan ka socda magaalladda Lamu iyo Goballadda kale, wuxuuna carrabka ku dhuftay in looga dan leeyahay sidii loo soo celin lahaa Nabadda iyo Ammaanka.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan Dagaalamayaasha Alshabaab soo weerarin Laamu iyo Dhulka Kaymaha ee Boni Forest 7-dii bilood ee la soo dhaafay, waa said uu hadalka u dhigay, wuxuuna Hawlgalkaasi ku sheegay mid aad loogu guuleystay.
©Radio Dalsan
Â
Â