Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Gudaha Soomaaliya iyo Kenya.
Warkaan oo lagu daabacay Wargeyska Daily Nation  ayaa waxaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay Sarkaalka uu ka dhacay Xaduuda Soomaaliya iyo kenya laguna dilay Xasan Isaaq Ibraahim iyo laba kamid ahaa ilaaladiisa.
Saraakiisha Kenya ayaa Sarkaalkaan rumeysan yihiin in uu qeyb weyn ku lahaa weeraro dhowr ah oo ka dhacay Gudaha dalka Kenya,in kastoo aysan cadeyn weeraradii ugu weynaa uu ka qeyb qaatay.
Sidoo kale Kenya ayaa aaminsan in Xasan Isaaq Ibraahim uu ka dambeeyay weeraro dhowr ah oo lagu afduubta Saraakiil iyo Shacab Kenyan ah kaas oo ka dhacay Xaduuda u dhaxeysa Wadamada soomaaliya iyo Kenya.
Kenya ayaa dagaal dhinac walba ah kula jirta Al-Shabaab,iyada oo dhowr mar duqeyn ka geysatay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbland.